U bood dhigaalka

Guddoomiye Abshir: Farmaajo isaga ayaa qaadi doonna cawaaqib xumida weerarka

Sheeko:Amniga

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed ayaa cambaareeyey weeararka uu Farmaajo ku qaaday hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal uu soo dhigay Faceboog ayuu u yiri “Waxaan aad u cambaareynayaa weerarka uu Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Farmaajo isaga oo adeegsanaya xooggaga Duufaan iyo Gorgor ku qaaday hoyga Madaxweynihii Hore Xasan Shiikh Maxamuud. Madaxweyne hore Maxamed Farmaajo kaligiis ayaa qaadi doona cawaaqib xumada ka dhalata weeraradaas bahalnimada iyo qarandumisnimada ah.

Guddoomiye Abshir oo sii hadlaya ayaa baaq u diray ciidanka isaga oo qoray

Baaqa aan u dirayo askarta:

Askarigu wuxuu sharafta iyo karaamada Ciidanka Qaranka mutaa marka uu ilaaliyo sidoo kalena u hoggaansamo shuruucda ku qoran dastuurka gaar ahaan qodobka 127aad. Haddii uu askarigu ku guul dareysto in uu ilaaliyo, wuxuu noqonayaa maleeshiyo iyo dayday xiran dharka ciidanka, isaga ayaana qaadaya mas’uuliyada ka dhalata xadgudubya uu geysto.