U bood dhigaalka

Guddoomiye Abshir Oo Farmaajo Ku Eedeeyay Daahfurka Guddi Sharci Darro Ah

Sheeko:Amniga

Guddoomiye kuxigeenka Aqalka sare ee BJFS Senator Abshir Maxamed Axmed, ayaa madaxweynaha Mudda xileedkiisu dhamaaay ku eedeyay in uu weli wado ku tumashada iyo jabinta dastuurka dalka.

Senator Abshir ayaa sheegay in Farmaajo uu mar waliba dadka ku marin habaabinayo Wareegtooyin uu rabitaankiisa ku soo saaray sida uu hadalka u dhigay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay in Farmaajo uu daahfuray guddi aan marin hanaanka Sharciyeed.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku booriyay Ururada Bulshada Rayidka in aysan qeyb ka noqonin Howlaha ka soo horjeeda Dastuurka.

“Sida oo kale, waxaa ku baraarujinayaa hoggaanka ururada Bulshada Rayidka ah in aysan qeyb ka noqon howlaha ka soo horjeeda Dastuurkeena, aysanna ku milmin siyaasadda”.

Hoos ka akhriso qoraalka Guddoomiye Abshir oo dhameystiran 

Sida aan hore uga hadlayba, Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Farmaajo wuxuu marar badan isku dayay welina uu maagan yahay in uu Dalka ku xukumo wareegto/dikreeto isagoo doonaya in rabitaankiisa uu ka dhigo sharci loo hoggaansamo.
Nasiib wanaagse, dalku waxa uu leeyahay Dastuur ay Ummadda Soomaaliyeed heshiis ku yihiin saldhigna u ah maareynta arrimaha danta guud. Dastuurkaas wuxuu ku waajibanayaa dhammaan Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hawlwadeenada hay’adaha dowlada in ay u hoggaansamaan kuna jaangooyaan hab dhaqankooda maamul iyo midkooda go’aanba.
In kasta oo uu Farmaajo ku dhaartay in Dastuurkaas ilaalinayo kuna dhaqmayo, hadana waxaa nasiibdarro noqotay in uu Dastuurkii ka dhigay wax kama jiraan isaga oo ku xadgudbay marar badan oo ay ugu dambeysay maanta.
Sida aad la socotaan, Farmaajo wuxuu dikreeto aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Sharcigaba ku magacaabay Guddi lagu sheegay Guddiga La-dagaalanka Musuqa, waxaanse doonayaa inaan halkaan idiin kugu sheego in Guddigaas uusan laheyn wax sharciyada, kuna dhisan yahay MUSUQMAASUQ SIYAASADEED iyo KU XADGUDUB DASTUUREED iyo MID SHARCI. Bal ka tixraac Qod.112aad ee Dastuurka KMG ah sida loo dhisayo Guddiyada Madaxbannaan oo uu Guddiga La-Dagaalanka Musuqmaasuqa ka mid yahay. Sidoo kale Qodobka 10aad ee Sharciga lagu dhisay Guddiga La-dagaalanka Musuqa wuxuu waajibinayaa in Guddiga helo ansixinta Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka.
Hadaba, ‘guddiga’ uu maanta Farmaajo daahfuray ma marin hannaanka sharcigaasi uu tilmaamayo iyo habraaca dastuuriga ah. Sidaa daraaddeed, ‘Guddiga La-dagaalanka Musuqa’ ma ahan mid ku dhisan sharci ee waa mid ku dhisan musuq siyaasadeed oo ku saleysan rabitaanka Farmaajo.
Farmaajo wuxuu si bareer ah u jebiyay qodobkaas kor ku xusan, wuxuu dikreeto ku soo saaray Guddiga uu maanta daahfurayo iyadoo xubnahaasi aysan helin ansixinta Aqalka Sare. Golaha Aqalka Sare wuxuu horay si cad uga hadlay dhismaha Guddiga iyo hay’adaha kale ee lagu sameeyay dikreetooyinka baalmarsan Dastuurka KMG ah.
Hadaba iyada oo la raacayo dastuurka KMG ah iyo xeerka ay labada Gole ansixyeen , waxaan uga digayaa mar kale in xubnaha lagu sheegay in yihiin Guddigaas ay ku dhiirradaan in ay ku howlgalaan dikreeto lagu jebiyay Dastuurka Dalka; xubnahaasna waxaa waajib ku ah in ay u hoggaansamaan shuruucda Dalka kana waantoobaan arrinkan dhaawacaya hufnaantooda iyo ammaanada Ummadda Soomaaliyeed. HAL BOOLLI AH MA DHASHO NIRIG XALAAL AH.
Sida oo kale, waxaa ku baraarujinayaa hoggaanka ururada Bulshada Rayidka ah in aysan qeyb ka noqon howlaha ka soo horjeeda Dastuurkeena, aysanna ku milmin siyaasadda. Waxaan kaloo ku baraarujinayaa inay qaataan kaalintooda la xisaabtanka Dowladda kana feejignaadaan dabinnada siyaasadeed ee loo dhigayo kuwaas oo ujeeddada ka dambeysa tahay in gacmaha loo geliyo howlo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo sharciyada dalka.