U bood dhigaalka

Guddoomiye Abshir oo Farmaajo ku yiri: Noloshii iyo Nabadgelyadiina “Dadkii ‘haah’duu hayaa”!

Sheeko:Amniga

Gudoomiye ku-xigeenka kowaad Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah Senator mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa sheegay in Farmaajo intuu dalka joogay uu burburiyay arrimo badan oo masiiri ahaa.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in marka laga soo tago jabinta qodobada dastuurka iyo xerarka dalka u yaallo, Farmaajo uu dalkan u horseeday kala tag, isagoo sababay in ay burburaan Heshiisyo bulshada u yiilay.

Guddoomiye Abshir Maxamed ayaa ugu dambeyntii in intaa raaciyey in madaxweynihii hore Farmaajo uu dadka Soomaaliyeed gaarsiiyey heer aad xun oo ay sheegteen isaga oo yiri ‘dadku haah’duu hayaa’,

                        Hoos Ka Akhriso Qoraalka Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare Abshir Axmed