U bood dhigaalka

Guddoomiye Abuukar Savana “Kooxaha Kubbadda Cagta Way Bogaadinayaan Horomarka Iyo Guulaha Socda”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha Kooxda Geeska Afrika Abuukar Maxamed Cabdulle (Savana) ayaa sheegay in kooxaha kubbadda cagta ay ku qanacsanyihiin habka ay wax u wadaan madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta oo iyaga doortay 15 November 2018 wuxuuna intaa ku daray in mudoodayinkii lasoo dhaafay kubbadda cagta dalka laga dareemay is badalo waaweyn.

Dib u doorashadii guddiga fulinta Xiriirka Kubbadda Cagta ka dib waxaa is badalo waaweyn lagu sameeyay hanaanka shaqo waxaana guddiga fulinta ay go’aan ku qaateen in mudada ay joogaan xafiisyada shaqada la horomariyo gobolada iyo dib u habeyn lagu sameeyay guud garoomada Kubbadda Cagta dalka waxaana iminka gabo gabo ah garotada Jamaacadaha iyo Stadium Muqdisho.

Mudada xiligeeda guddiga fulinta Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa ku eg sanada 2022 waxaana Guddoomiyaha Kooxda Geeska Afrika ,Abuukar Maxamed Cabdulle (Savana) oo sheegayaa mudada u hartay in lagu tilaab sado horomar waaweyn ee guul ah kubbadda cagta Wadanka.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Horomarka Kubbadda Cagta Soomaaliya

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2511747922414628/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle