U bood dhigaalka

Guddoomiye Abuukar Xasan “Waxaan Guul Ka Gaarnay Dalka iyo dibadda”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Abuukar Xasan Yuusuf ayaa sheegay in doorashooda ka dib ay gaareen guulo waaweyn oo dhinaca gudaha dalka iyo dibadiisa,wuxuuna u mahadceliyay cid kasta oo kaalin ka geystay horomarka iyo guulaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka.


“Doorashadeena ka dib waxaa inoo qabsoomay shaqooyin badan oo ay ka mid tahay qorista sharciyada Minifootboolka dalka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya Mudane Abuukar Xasan Yuusuf.

Dhinaca kale Guddoomiye Abuukar wuxuu guul taariikhi ah ku tilmaamay aas aaska 24 koox uu iminka lee yahay Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya, kuwaas oo hada loo kala saaray heerka 1-aad iyo 2-aad ee Minifootboolka, waana markii ugu horeesay ay madaxda SOMFA ay yeeshaan kooxaha kubadcag yaraha.


“Horomarka muuqda ee aan gaarnay doorashadeena ka dib waxaa qeyb ka ah aas aaska 24 koox ee Kubadcag yaraha Soomaaliya, waxaana u mahadcelinaynaa madaxda kooxaha oo iyagana kaalin weyn ka geystay guulaha iyo waxqabadka Xiriirka Sooamaliyeed ee Minifootboolka ” ayuu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadcag yaraha dalka mduane Abuukar Xasan Yuusuf


Ugu danbeyntii Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Abuukar Xasan Yuusuf  wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay da’daalada kala duwan ee ka socda gudaha Soomaaliya iyo dalka dibadiisa, isagoo Wasaaraddda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dowladda Fedraalka Soomaaliya ku amaanay doorka ay qaatay horomarka Xiriirka Kubadcag yaraha dalka.


“Sanadaha soo socda madaxda SOMFA waxaa laga filayaa in ay samayso da’daalo ka waaweyn sanadkii kowaad, waxaan u mahadcelinaynaa cid kasta oo nagu caawosay horomarkii iyo guulihii aan gaarnay” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha Mudane Abuukar Xasan Yuusuf .

Daawo Waraysi Uu Guddoomiye Abuukar Siiyay Goobjoog Sports

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddoomiye-xaaji-aadan-cabdulle-waa-nasiib-darro-in-warbaahinta-ay-ka-maqnaadaan-dhacdooyinka-minifootboolka/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle