U bood dhigaalka

Guddoomiye Abuukar “ Yoonis Faarax Guul Iyo Horomar Ayaa U Rajaynaynaa”

Sheeko:Cayaaraha

Yoonis Cabdirisaaq Faarax oo ka mid ah ciyaaryahanada Xulka Qaranka Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay 2019 ka mid ahaa xidigihii doorka wanaagsan ka qaatay guulaha Xulka ayaa la sheegay in uu ka mid yahay halboolayaasha Qaranka ee mustaqbalka soo socda.

“Hami sare ayuu lahaa laacib Yoonis waan la kulmay waxaana ugu mahad celiyay isaga iyo saaxiibadiisa ka yimid qurbaha da’daalka iyo guulaha ay gaarsiiyeen Xulka Qaranka iyo guushii ugu horeesay uu dalkeena ka gaaray is reeb reebka koobka aduunyada ” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh.

“Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya waa in uu dhiirigeliyaa ciyaaryahanada la mid ah Yoonis Faarax oo kale,waan aragnay wax qabadkooda iyo guulaha ay soo bandhigeyn is reeb reebka koobkii aduunyada 2019” ayuu Goobjoog Sports u sheegay falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur.

Halkan Ka Daawo Doorkii Yoonis Faarax Uu Ka Qaatay Xulka Qaranka Soomaaliya