U bood dhigaalka

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo La Kulmay U Qaybsanaha Midowga Yurub Ee Geeska Afrika

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Cabdi xaashi Cabdullaahi ayaa wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso u qaabilsanaha Midowga Yurub arrimaha geeska (EUSR) Marwo Annette Wamber oo ay wehlinaysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann iyo xubno kale.
Kulanku wuxuu ku saabsanaa sidii Midowga Yurub uu gacan uga siin lahaa Aqalka sare Baarlamaanka Federalka Soomaaliya gudashada waajibaadkiisa Dastuuriga ah ee loo igmaday, kulanka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Senator Maxamed Cali Yuusuf “Gaagaab”, Xoghayaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa.
Midowga Yurub ayaa ballan qaaday in ay soo celin doonaan xiiriirka Soomaaliya ay, kadib doorashada Madaxweynaha Cusub Xasan Shiikh Maxamuud, kaas oo 15-kii bisha May labada gole ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federalku u  doortay inuu markale hoggaamiyo Jamhuuriyadda Federalka.
Goobjoog News