U bood dhigaalka

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Tagay Xafladda Afisyooni isaga oo aan Qanacsaneyn

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa maanta tagay xafladda Afisyooni ee lagu saxiixayo heshiiska doorashada isaga oo ku qanacsaneyn waxa socda.

Inuu yimaado guddoomiye Xaashi waxaa kasoo shaqeeyey oo gurigiisa ugu tagay madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Mr. Xaashi ayaa ka biyo-diiday 5 xubin oo uga asteeyey 15 xubin oo ka tirsan guddiyada doorashada Somaliland ee  FEIT iyo SEIT.

Ra’isul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa u hoggaansamay cadaadiska kooxda Farmaajo ee ku aadan tirada la siinayo garabka Cabdi Xaashi.

Farmaajo ayaa aad ugu dheggan kuraasta Somaliland oo ka badan 60 kursi, isaga oo u arka mid ka mid ah rajada uu kusoo laaban karo doorashada soo socota.

Goobjoog News