U bood dhigaalka

Guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab Oo Loo Doortay Xubnaha Guddiga Fulinta Qaarada Afrika

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab,gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee xiriirka Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed iyo xoghayaha guud ee xiriirka Soomaalliyeed ee kubbadda cagta DR.Yuusuf Muxidiin Axmed ayaa magaalada Qaahir ee dalka Masar kaga qeyb galay doorashada xubanaha guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika,waxaana sidoo kale madashan ku sugnaa madax ka socotay FIFA.


Gudoomiyaha X.K.Cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab ayaa ka mid noqday xubnaha cusub ee guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika ee Caf,isagoo horay u ahaa guddoomiye ku xigeenka xiriika kubbadda cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa (The Council for East and Central Africa Football Associations).

“Alx waa ku faraxsanahay guushan waxayna usoo hooyatay dhamaan bahda kubbadda cagta Soomaaliya darajadan in aan helno waxa ay ka dhigantahay in aan wax la qeebsano qaarada” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab.

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee xiriirka kubbadda cagta Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed oo isna kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin guusha uu gaaray mudane Cabdiqani Saciid Carab minka ay ka tilmaamanyihiin xiriirada kale ee qaarada Afrika marka laga eego geedi socoda iyo horomarka kubbadda cagta Sooomaaliya.


Wafidga ka socda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya daawashada ciyaarta u danbeesa tartanka African Cup of Nation oo ay kama dambeestiisa wada dheeli doonaan xulalka Senegal iyo Algeria.


“Ka qeygalka dhacdooyinka oo kale ka xariir ahaan waxa ay inoo tahay in aan wax badan ka barano,si aan u gaarno guul waaweyn oo dhinaca kubbadda cagta dalkeena,guusha uu gaaray guddoomiye Cabdiqani Saciid waxa ay sharaf iyo horomar u tahay kubbadda cagta Soomaaliya” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta DR.Yuusuf Muxidiin Axmed.


Si kastaba Madaxda xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya ayaa maal maha soo aadan kusoo laabanaya dalka,iyagoo la hadli doona wabaahinta ciyaaraha gudaha waxayna ka warbixindoonaan guulaha la gaaray iyo halka ay hiigsanayso sanadaha soo socda.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle