U bood dhigaalka

Guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab “Waxaan Qaadanaynaa Macallimiin Cusub”

Sheeko:Cayaaraha

Sanadkii dhamaay 2019 waxaa is badalay weyn laga dareemay natiijooyinka Xulka Qaranka Soomaaliya ee ka qeyb galay is reeb reebka Koobka Addunka iyo Tartaankii Qaramada Bariga iyo Bartamaha Africa 2019 ee ku qabsoomay magaalada Kampala ee wadanka Uganda.

Dad badan ayaa taageerasaneyn qorshaha macallimiinta ajaanibta ee maamula Xulka Qaranka Soomaaliya,iyagoo ku doodaya in fursad la siiyo macallimiinta dalka,balse guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab wuxuu Goobjoog u sheegay in aan laga maar marin macallimiinta ajaanibta,balse X.K.Cagta uu kordhinayo aqoonta iyo qibrada tabarayaasha Dalka.

Bishii March ilia December 2019 waxaa mashruuca hogaaminta Xulka Soomaaliya haystay saddex macallin oo kasoo jeeday wadanka Ghana waxayna kala ahaayeen Bashir Hayford oo ahaa tababaraha Xulalka Waaweyn ee “Senior-ka”,Igniatiosa Kwame oo isna ahaa macallinka Xulka Da’yarta ee Youth-ka iyo Jerry oo ahaa tababaraha goolhayaasha Xulka,Xiriirka Kubbadda Cagta ayaa sheegay in macalliminta ku nool guud ahaan wadanka iyo kuwa qurbajoogta ay fursad shaqo u diyaariyeen.

Si kastaba 2020 taageerayaasha Xulka Qaranka ayaa ciyaartooyda iyo Xiriirka ka sugaya in lasii wado guulihii quruxda badnaa ay dhallinyarada Qaranka soo bandhigeyn sanadkii lasoo dhaafay 2019.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Is Badalka Macallimiinta Xulka Qaranka Soomaaliya

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/190031479046136/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle