Guddoomiye Cali Gacal “Baarlamaanka Galmudug Marxalado Adag Ayuu Ku Shaqeeyaa”

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo dib ugu soo laabtay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud kadib safaro uu ku yimid magaalada Muqdisho iyo kuwo uu ku aaday dalka Uganda ayaa sheegay in daruuf adag ay ku shaqeeyaan xildhibaannada Galmudug.

Guddoomiye Gacal oo la hadlay warbaahinta ayaa mar uu ka jawaabayey kulamada xildhibaannada Galmudug oo aan inta badan dhicin ayuu tilmaamay in sababta ugu weyn ay tahay daruufaha ay hadda ku shaqeeyaan xildhibaannada.

“Sida aad garan kartaan xildhibaannada Daruufo badan ayeey muddo ku shaqeynayeen, weli iyagii ayaa horyaalla oo aan laga bixin taas ayaa sabab u ah in inta badan la shaqeyn laakiinse hadda xildhibaanno badan wey joogaan shaqooyinka horyaallana waan qabaneynaa” ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

Dhinaca kale Gudoomiye Casir mar uu ka hadlay safar ay ku tageen Uganda ayuu sheegay in halkaasi ay uga soo qeybgaleen tababaro la xiriira qaababka shaqo ee baarlamaanka, isaga oo arrintaasi uga mahadceliyey guddoonka baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Baarlamaanka Galmudug ayaa ku shaqeeya degmada Cadaado ee gobolka Mudug, inta badanna waxaa la sheegaa in kulamadii baarlamaankaasi aanay u dhicin qaabkii loo baahnaa.

Goobjoog News

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW