U bood dhigaalka

Guddoomiye Cali Jeyte oo Soo Saaray Go’aanno Lagu Ka Dhan ah Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku dhawaaqay go’aano ka dhan ah gaadiidka ka shaqeya deegaanada dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa amar ku bixiyay in Maanta kadib aanan la arki karin gaari ka baxaya Baledweyne ama Buulaburte oo raashiin ama shidaal sida oo u safraya deegaanada ku yaala hareeraha wabiga Shabeelle ee u dhaxeeya Baledweyne iyo Buulaburte,waxa u sheegay in gaarigii lagu arko ama la qabto isagoo deegaanadaas u raran in si buuxda ay ula wareegi doonaan gaariga iyo wixii saaran ciidanka dowladda

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa tilmaamay in aan hadda kadib la qabali doonin gaari rashiin iyo shidaal u wado deegaannadaas in uu soo maro jiinga wabiga sidan degaanada u soo galo,waxa uu sheegay in wadooyin loo asateeyay gadiidka in ay maraan ay jiraan,iyagoo la hubinayo waxa ay sidaan iyo cidda ay u wadaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale  waxa uu intaa raaciyay in maanta wixii ka danbeeyo gadiidkii dhinaca jiinka wabiga Shabeelle ku yimada ay u aqoon sanayaa mid argagixsada la shaqeeyo, tilaabana laga qaadi doono,waxa una gadiileyda faray in ay la shaqeyaan ciidamda amniga si loo sugo amnigooda.

Goobjoog News