U bood dhigaalka

Guddoomiye Ciiro “Kooxda Puntland Waa Diyaar”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland Maxamed Cali Ciise (Ciiro) ayaa sheegay innay u diyaarsanyihiin ka qeybgalka tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,isagoo sheegay in ay gaari doonaan ilaa heerarka ugu danbeeya tartanka Maamul Goboleedyada.

Dhinaca kale Xoghaha Xiriirka Kubadda Cagta Puntland Mustafe Cabdiraxmaan Majacase ayaa sheegay in Puntland ay qibrad wanaagsan u lee dahay tartanka Maamul Goboleedyada,Maadama laba jeer oo horay ay soo tiisagtay fiinaalaha tartankan.

Sanadii 2016 iyo 2017 kooxda Puntland ayaa gaartay kama dambeysta tartanka Maamul Goboleedyada,waxaana labadii jeer ay fiinaalaha wada ciyaareen xidigaha Puntland,balse taageerayaasha Puntland ayaa qaba rajo kale oo ku aadan hanashada tartanka Maamul Goboleedyada.