U bood dhigaalka

Guddoomiye Cirro: Khilaafka Guddiga Waxaa Sabab u ah Cadaadiska Maamul Goboleedyada

Sheeko:Amniga

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa sheegay in ay jiraan cadaadis xubnaha guddiga uga imaanaya maamulada ay ka socdaan.

” Waxaa jira, waa cadaadis ka imaanaya maamul goboleedyada oo ay saarayaan guddiyada ka socda, oo ay soo magacaabeen, taasi waxay xadgudub ku tahay madaxbannaanida guddiga iyo hufnaanta doorashada.” ayuu yiri Ciro.

 

Cirro oo sii hadlaya ayaa sidoo kale sheegay in maamulada ay guddiga soo magacaabeen balse guddiga hadda uu yahay mid madax banaan, isagoo yiri “Guddiga maamul goboleedyada waa ay soo mahacaabeen laakin hadda waa guddi madaxbaan, warar ogol ayaa muhiim ah iney wax ku dhamaadaan”.

Gudoomiye Ciro ayaa sidoo kale sheegay in ay guddiga u jeediyeen in maamulada ay ka waan toobaan in ay fara geliyaan howlaha guddiga isagoo yiri “Waxaa uu maamul goboleedyada usoo jeediyey: Muhiimadda waa in maamul goboleedyada aysan faragelin, qabiilka inuu noqdo hoggaanka oo si xor ah Xildhibaaaada usoo xushaan”.