U bood dhigaalka

Guddoomiye C/Qaadir Shariif oo Ka Warbixiyay Waxqabadka Baaralmaanka Koonfur Galbeed

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur Galbeed  C/Qaadir Shariif Sheekhuna Maye oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay wax qabadka baarlamaanka koofur Galbeed ee bilihii lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn ka waramay aasaaska baarlamaanka iyo wax qabadkii uu sameeyay bilihii lasoo dhaafay:

” Baarlamaanku waxa uu rasmiyan jiritaankiisu bilowday, sida ku qoran xeer hoosaadka, waa  maalinka ugu horreysay ee qeybtii ugu horreysey ee xildhibaanada la dhaariyay 3 bishii December, waxa uuna dhismihiisu dhameystirmay 3 January markaas oo ahayd xiligii guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaanada la soo dhameystiray, kalfadhigii koowaad waxa uu si rasmi ah u furmay 20 bishii Marso”.

Howlihii aan qabanay haddaan wax yar kaaga taabto, xeer hoosaadkii baarlamaanka oo la diyaariyay lana ansixiyay,  siminaarro aqoon kororsi ah oo xildhibaanada loo qabtay, waxaa jiray shuruuc ay noo soo gudbisay xukuumadda Koonfur galbeed sida sharciga golaha garsoorka oo la meel mariyay, kadibna ay xukuumadda usuurto gashay iney soo magacaabaan guddigii adeegga garsoorka oo ugu dambeyn baarlamaanku uu meel mariyay.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in hadda ay ku gudo jiraan dhismihii guddiyada baarlamaanka iyadoo xildhibaan kasta guddiga uu ku haboonyahay ka mid noqon doona, Ramadaan kadibna si rasmi ah loogu dhawaaqi doono dhismaha guddiyada isla markaan ay howlgali doonaan.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in hadda bisha barakeysan ee Ramadaan darteed ay fasax ku jiraan, marka ay dhamaato kadibna ay iskugu soo laaban doonaan shaqadii baarlamaanka oo halkeeda kasii socota.

Si kastaba, Baarlamaanka Koonfur galbeed ayaa hadda dhisan muddo 6 bilood ah ku dhawaad, iyadoo looga fadhiyo baarlamaanka inuu anxiyo shuruucda uga yimaadda xukuumadda koonfur galbeed iyo kuwo kale ee baarlamaanka dhankiisa ka yimaadda ee uu curiyo ee muhiimka ah.

Goobjoog News