U bood dhigaalka

Guddoomiye Cumar Filish: Maandooriyaha Ayaa Ka Mas,uul ah Amni Xumida

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada caasimadda ah ee MuqdishoCumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho uga qeyb galay ololaha wacyigalinta ka hortagga isticmaalka Maandooriyaha oo haatan si guud uga socda Caasimadda dalka, isaga oo sheegay inuu dhibaatooyin badan uu sababo.

Munaasabad kooban oo ka dhacday deegaanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaasha degmooyinka iyo Gobolka Banaadir, Agaasimayaal ka tirsan dowladda hoose ee Xamar, saraakiil Amni iyo qeybaha bulshada rayidka oo kasoo qeyb galay musaabadda ka dhacday deegaanka, waxaana uu yiri Cumar Filish  xili uu ka hadlaayey goobta munaasabadda.

” Waxaa ay soo heleen haweeney 80 iyo dhowr sano jirta ee gadaysa oo iibinaysa, arrintaas waxaa ay ku tusinaysaa khatar jirta oo bulshada dhan saamayn ku leh in ay tahay, aniga waxaa iiga dhex muuqda meeshaas, dhallinyaradii waxaas ka ganacsan jiray in ay xirfad badasheen oo is dhaheen dadka waaweyn laga baarimaayo ee ayaga haloo dhiibo, oo haweenaydaas waayeelka ah lagu qalday, aniga sidaas ayey ila tahay, khataruhu dhinac waliba waa naga soo galayaan”.

Gudoomiye Cumar Filish oo la dardaarmaye bulshada Caasimadda iyo maamulada degmooyinka ayaa waxa uu sheegay in Maandooriyaha daroogada uu halis ku yahay jiritaanka ummadda iyo xasiloonidii magaalada caasimadda ah ee  Muqdisho, isaga oo carabka ku dhuftay, waxaana sidoo kale uu xusay in amni-darrada  mas,uul uu ka yahay Maandooriyaha.

” Maandooriyaha waqi xaadirkaan khataraha ugu badan ee dalkeena uu wajahaayo ayuu kow ka yahay,  dhac ayaa dhaca, dil ayaa ka dhaca, sababo kala duwan u dhaca, qaraxyo ayaa dhaca, ma is waydiinay yaa dhllra geliye u ah waxaas oo dhan, waxaas oo bulshada dhib ku ah waxa dhiirageliya waa Maandooriyaha, waxa dhallinyadii waxbarashadii ka mashquuliyey oo ka baabi’iyey waa Maan dooriyaha, dhibaatooyinka ka dhacaayo dalka iyo caasimadda isaga ayaa sasab u ah, ayuu yiri.

Goobjoog News