U bood dhigaalka

Guddoomiye Garooje ” Bahda Isboortiga Waan In Ay Si Hufan Ula Shaqeeyaan Wasiir Xamse Saciid Xamsa”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyihii hire kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa ugu baaqay xiriirada ka dhisan Soomaaliya in ay si dhaw ula shaqeeyaan Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciis Xamsa,isagoo sheegay in uu yahay shaqsi aqoon iyo khibrad wanaagsan leh.

“Xiriirada ka dhisan Soomaaliya waa in ay si dhaw ula shaqeeyaan Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada,waana in ay ka mira dhaliyaan hadafyada waaweyn ee Wasiir Xamsa Saciid Xamsa” ayuu Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyihii hore kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje)

Sidoo kale mudan Garooje wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray Wasiir Xamse Saciid,isagoo magacaabistiisa Wasaarada Ciyaaraha ku tilmaamay guul weyn ee laga sameeyo horomarka isboortiga.

“Wasiir Xamse waa aqoonyahan mudo badan ku soo jiray ciyaaraha dalka,wuxuu fahan sanyahay caqabadaha iyo dhibaatooyinka jira,balse wax ugu weyn ee lagu sugayo waa in ka tagaa taariikh weyn oo dhaxalgal u ah geedi socodka isboortiga Soomaaliya” ayuu hadalkiisa raaciyay Guddoomiyihii hore kooxda kubbadda cagta Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje).

Si kastaba magacaabista Wasiir Xamse Saciid Xamsa ee Wasaarada Ciyaaraha dalka waxa ay abuurtay rajo weyn,iyadoo bahda isboortiga Soomaaliya ay guul iyo horomar u rajeeyeen Wasiir Xamsa iyo shaqaalaha Wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada dalka.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle