Guddoomiye Garooje“Demada Diinsoor Waxa Ay Helaysaa Mashaariica Badan Oo Dhinaca Ciyaaraha”

Guddoomiyaha kooxda Elman Sports Club Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa safar shaqo ku tagay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay waxaan si weyn u soo dhaweeyay bahda ciyaaraha iyo maamulka degmada,wuxuuna socdaalkiisa ku qotomay in uu soo komeero garoomada iyo xafiisyada ciyaaraha degmada.

Bahda ciyaaraha iyo maamulka degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa guddoomiye Garooje kaga mahad celiyay booqashadiisa,iyagoo sheegay in ay sugidoonaan sanadaha soo aadan,si loo horomariyo isboortiga.


Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya iyo maamulka kooxda Elman oo iska kaashanaya ayaa kooxaha,macallimiinta iyo garsoorayaasha degmada ku wareejiyay agabyo isboorti,sida uu Goobjoog u sheegay gudoomiyaha naadiga Elman Sports Club Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje).


Ha’yado badan ayaa ka howl gala degmada Diinsoor ee gobolka Baay gudoomiye Garooje inta oo joogay waxa uu la kulmay mas’uuliyeen ka socotay ha’yada Intersoos wuxuuna ka hadlay dhismaha iyo saarida cowska macallliminka garoonka kubbadda cagta degmada maadaam ay ay ha’adahaan ay mashaariic badan ka fuliyaan deegaanada maamulka Konfur Galbeed,iyagoo balanqaaday in ay wax ka qabandoonaan baahiyaha ciyaaraha.

Guddoomiye Garooje horay waxa ugu soo dheelay kooxaha Horseed iyo Madbacada Qaranka,isagoo qorsheenayaa in sanadaha soo aadan oo safar shaqo ku bixiyo dhamaan gobolada dalka,si oo aqoontiisa iyo waqtigiisa  ugu faa’ideeyo dhallinyarada iyo bahda ciyaarayah si dalka uu u gaaro horomar .

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Safarkii Uu Gudoomiye Garooje Ka Tagay Degmada Diinsoor

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW