U bood dhigaalka

Guddoomiye Hore Tarsan Oo Dhaliilay Halka Uu Marayo Amniga Muqdisho

Sheeko:Dalka

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa wax aan la aqbali Karin ku tilmaamay xaalka amniga Muqdisho halka uu marayo oo uu sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa uu sii xumaanayo.

Tarsan oo ka hadlay munasab looga hadlayay Doorka Dhalinta ee hogaamninta Ummadda ayaa sheegay in dilkii ugu dambeeyay ee muqdishu ka dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay iyo kuwa ka hoorreeyay aysan jirin cidd illaa imminka loo soo qabtay.

Dhanka kale waxa uu dhaliilay madaxda maamullada degmooyinka Gobolka Banaadir oo uu sheegay in khibrad aysan u lahayn Hogaanka Gobolka Banaadir waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu Dambayen waxa uu Maxamuud Axmed Nuur Tarsan soo jeediyey in dowladda Federaalka iyo hay’adaha amniga ay la yimaadaan qab ka duwan sida hadda loo sugo amniga magaalada Muqdisho.

Dilal iyo qaraxyo kala duwan ayaa maalin kahor waxay ka dhaceen magaalada Muqdisho, xilli ciidanka amniga Todobaadkan magaalada kusoo bandhigeen gaari Walxaha qarxa ka buuxa iyo hub saarna oo ay kusoo qabteen howlgallo ay sameeyeen.

Goobjoog News