U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari “Halkii Kiilo Mitir oo Soomaaliya Ahba Waxaa ku Nool Hal Agoon”

Sheeko:Dalka

Jawaari agoonGuddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa maanta ka qeybgalay mehrejaan ama bandhig ay sameynayeen carruurta agoonta ah ee ay xanaanayso Qatar Charity.

Guddoomiyaha ayaa sheegey in tirakoobkii meesha lagu soo bandhigey uu muujinayay in Soomaaliya ay ku nooshahay 630 kun oo agoon ah, taasi oo ka dhigan in halkii kiilo mitir ee kasta ee dhulka Soomaaliya ka mid ahba uu ku nool yahayhal ilmo oo agoon ah. Dhulka Soomaaliya waxa uu ka koobanyahay 637 kun oo kiilo mitir oo isku wareeg ah.

Jawaari ayaa sheegey in sharci ahaan agoonta ay mas’uul ka tahay dowladda tahayna in ay xanaaneyso, waxaana qaba qodobada 28aad iyo 29aad ee dastuurka, isaga oo balan qaaday in la xoojin doono qodobadaasi.

“Nabigeena suuban SCW waxa uu yiri ninkii agoon koriya janadiisa waa diyaar, aniga ayuuna daris ila noqonayaa, ninka maanta jano ku raadsanaya in uu carruur agoonteeyo isaga xaalkiisa ka warran” ayuu isweeydiiyey Jawaari.

Jawaari ayaa sheegey in Qur’aanka 23 jeer ay kusoo arooreen aayado ka hadlay agoonta, sidaasi darteed waxa uu dadka hantida heysta ugu baaqay in ay agoonta wax la qabtaan.

Isaga oo la hadlayay agoontii meesha isugu timid ayuu xusuusiyey in inta badan hogaamiyeyaashii taariikhda galay ee adduunka ay agoon soo ahaayeen, gaar ahaan dadkii taariikhda galay Soomaaliya xagga ciidamada cirka ay kasoo baxeen kuleejadii agoonta ee Ofantoore Miskiine la oran jirey.

“Agoonimadu waa kii aan cilmi lahayn, laakiin kiinii wax bartay agoon ma ahan, kaliya aabihiis ayaa ka dhintey” ayuu yiri Jawaari oo dhanka kale sheegey in dadka agoonimada ku korey ay ka karti badanyihiin kuwa waalidkooda la korey, yihiin kuwa iyaga isku tashada, islamarkaasina marka dambe mustaqbal wanaagsan yeesha.

“Iga raali noqda marka agoonta loo imaanayo hadiyad ayaa loo keenaa, aniga idiinma keenin maadaamaa aan degdeg kusoo baxay, laakiin qalbi wanaagsan ayaan idiinle imid” ayuu yiri Jawaari oo si weyn carruurta ugu sacab tumeen.

Mehrejaanka oo ka dhacay Hotel City Palace Muqdisho oo ah mid sanad kasta la qabto ayaa waxaa aqoontooda iyo kartidooda soo bandhigey illaa 1400 carruur agoon ah oo qeyb ka ah illaa 9000 agoon ah oo ay gacanta ku heyso hey’adda Qadar Charity oo laga leeyahay dalka Qadar.

Dhageyso

Goobjoog News