U bood dhigaalka

Guddoomiye “Jawaari” oo Hambalyo U Diray Guddoonka Cusub ee Golaha Aqalka Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa hambalyo u diray guddoonka cusub ee Golaha Aqalka Sare.

Guddoomiye Jawaari oo la hadlay warabaahinta dowladda ayaa ugu horreyn hadalkiisa ku bilaabay habmalada guddoonka Golaha Aqalka Sare, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“hor iyo horaan aniga oo ku hadlaya magaceyga,magaca guddoonka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa guddoonka cusub ee Aqalka Sare ee maanta(Shalay) lagu doortay magaalada Muqdisho, waxaan Alle subxaanahu wa tacaalaa uga baryayaa in uu la garab galo xilka culus ee loo doortay , si gaar ah waxaan leeyahay Hambalyo maadaama aad noqoteen guddoonkii ugu horeeyey ee loo doortay Aqal sare oo ay Soomaaliya yeelatay”

Guddoomiye “Jawaari” doorashda ayuu ku tilmaamay iney ka muuqato bisayl siyaasadeed isagoo ugu baaqay isku duubni in loo waajaho howlaha Labadan aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya:

“Tallaabada ay jaalleyaasha Aqalka Sare ku doorteen guddoonkooda oo ah guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen waa mid ka mid ah calaamadaha kasii marqaati ka caya biseylka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed ee ay Soomaaliya gaartay waxaana rajeynayaa in aynu si taxadar iyo isku duubni leh u abaarno howlaha na hor yaalla ee ay naga sugayaan shacabka Soomaaliyeed”, waxaanuu Alle uga baryay inuu u fududeeyo xilka loo igmaday.

Maalinimadii shalay ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay guddoonka Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo guddoomiye loo doortay Xil.Cabdi Xaashi Cabdillaah, halka guddoomiye ku-xigeenka Koowaad loo doortay Xil.Abshir Maxamed Axmed, guddoomiye ku-xigeenka Labaadna loo doortay Xil. Mowliid Xuseen Guhaad.

Goobjoog News