U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari Oo Ka Mid Noqday Xildhibaannada Cusub Ee Aqalka Hoose

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka mid noqday xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Guddoomiye Jawaari ayaa helay 45 cod, waxaana uu ka guuleystay C/raxmaan Sheekh Ibraahim oo helay 5 cod.

Guddiga doorashada ayaa natiijadan ku dhowaaqay, iyadoo weli ay socoto wejiga Koowaad ee doorashada xubnaha aqalka hoose kaga soo aadey maamulka Koonfur Galbeed.

Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamulkii Labaad oo bilaaba doorashada xubnaha aqalka Hoose, iyadoo maamulka Saddexaadna noqday Jubbaland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News