U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari Oo Ku Tilmaamay Kalfadhiga 7-aad kii Ugu Wax-soosaarka Badnaa

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maalintii shalay ku soo xirmay magaalada Muqdisho kalfadhigii 7aad ee baarlamaanka Federaalka, kaas oo noqday sida guddoomiyaha baarlamaanku ka dhawajiyay kii ugu waxqabadka badnaa intii uu dhisnaa baarlamaanka laga soo bilaabo sanadkii 2012ka.

Guddoomiye jawaari oo hadal ka jeediyay xiritaanka kalfadhiga ayaa  hadalkiisa ku bilaabay; “waxaa noo furmay kulan gaar ah oo ku saabsan xiritaanka kalfadhigii 7aad ee baarlamaanka 9aad ee Soomaaliya oo ku beegan maanta oo bisha Maarso ay 5 tahay” , waxa uu xusay in kalfadhigu uu soo bilowday 26 October, mudadii dastuuriga aheyd ee kalfadhuguna ay tahay 4 bilood  lana dhaafay, guddoomiyaha ayaa xusay in  baarlamaanku uu isku soo noqon doono 5 April, maadaama ay howlo badan horyaallaan baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa mudanayaasha u sheegay sababta fasaxa looga dhigay muddo bil ah, isaga oo xubnaha xasuusiyay in howlaha horyaalla ay ballaaran yihiin waqtiga kalfadhiga 8-aadna uu aad u kooban yahay.

Guddoomiye jawaari ayaa xildhibaanada dib u xasuusiyay wax qabadkii kalfadhigga 7aad oo uu ku tilmaamay kii ugu waxsoosaarka badnaa, isagoo yiri; ” Baarlamaanka 9aad mudadii uu soo socday ee illaa 2012, kalfadhiga 7aad waxa uu ahaa kan ugu waxsoosaaridda badan, ugu shaqada badan, hadaad ka eegto xagga sharci dejinta, hagidda siyaasadda iyo toosinta, korjoogteynta hay’adaha qaranka uu baarlamaanku ku sameeyo iyo su’aal oraahyada lagu toosinayo amaba uu xog ogaal ku noqonayo baarlamaanka, haddaad howlahaas oo dhan eegto, kalfadhiga 7aad waxa uu ahaa kii ugu shaqada badnaa oo dhinac kasta marka aad ka eegto iyadoo intaa ay sii dheertahay kormeerada lagu sameeyanayay deegaan doorashada si xaaladooda iyo xogtooda loo soo ogaado”.

Guddoomiye jawaari ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu  aad iyo aad ugu farax sanahay in uu yahay  xildhibaan ka mid ah baarlamaanka 9aad, isagoo xubnaha u sheegay inuu  la qeybsanayo sharafta uu ku tilmaamay in baarlamaanku uu soo hooyay.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay Labada howlood ee ugu waaweyn baarlamaankan loo igmaday 2012-kii, sharci dejinta iyo korjoogteynta iyo kormeeridda iyo ka warqabista shacbiga adeegyada loo fidinayo iyo hagidda dowladda ka sokow, laba arrin oo waaweyn ayaa baaralmaankan loo igmaday, tan ugu horreysa waa dib u eegista dastuurka , tan labaadna waxa uu ku sheegay in doorashooyin siyaasadeed oo dimoqraadi ah baarlamaanka 10aad lagu keeno.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu ka dhawaajiyay su’aalo ay weydiiyeen dad ka mid ah beesha caalamka oo ah  sida la isugu wadi karo dib u eegista dastuurka iyo maareynta howlaha doorashooyinka, waxaan u sheegay ayuu yiri in labada qodobba ay taahay tii loo igmaday isla marakaana ay ka soo  dhalaali karaan, waxaanuu guddoomiyuhu sheegay in baarlamaanka ay u taallo hagidda siyaasadda doorashada ee 2016, isla markaana la dhameystiri doono howlaha wax ka badalidda dastuurka oo inta ka dhimanna la soo gabagabeyn doono.

Xildhibaanada waxa uu kula dardaarmay iney tagaan degaan doorashooyinka, si dadka xaaladooda u ogaadaan dhibaatada ay qabaanna ula qeybsadaan, siyaasaddu sida ay u socoto lala socodsiiyo, rajadii dowladnimadana loosoo celinno.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ugu danbeyn waxa uu hambalyo isoo jeediyay 150 xildhibaan oo si xilkasnimo ah howshoodii u gutay, marna aan ka maqnaan fadhiyada baarlamaanka, waxaanuu sheegay iney ka warhayaan xildhibaan kasta iyo inta uu baarlamaanka joogay, waxaanuu kusoo afmeeray hadalkiisa in kalfadhigii 7aad ee baarlamaanka 9aad uu xiran yahay.

Goobjoog News