U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari Oo Ku Wajahan Jowhar

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe uu gaaro guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ulajeedka Gudoomiye Jawaari uu u tagayo Jowhar ayaa lasoo sheegayaa iney tahay arrimo la xiriira dhaarinta Xildhibaannada Hirshabelle oo lagu wado in maanta la dhaariyo.

Wariyaha Goobjoog News ee gobolka Shabellaha Dhexe Aadan Xuseen Daa’uud ayaa soo sheegaya in amniga magaalada Jowhar aad loo adkeeyay.

Diyaarinta munaasabadda dhaarinta xildhibaannada Hirshabelle ayaa ka socota hoolka shirarka degmada Jowhar, iyadoo lasoo bandhigi doono dhammaaan xildhibaannada, kadibna halkaasi lagu dhaarin doono.

Sida qorshaha uu yahay xildhibaannada Hirashabelle ayaa ugu dambeyn 15-ka bishan waxay dooran doonaan madaxweynaha maamulkaasi.

Inkastoo si dardar ah uu ku socdo dhismaha maamulka Hirshabelle,  hadane waxaa jira waxgarad kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo diiddan hannaanka loo maray dhiamaha maamulkaasi.

Goobjoog News