U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari Oo La Kulmay Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Turkiga, Ciraaq Iyo Pakistan

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo wafdi uu hogaaminayo ay magaalada Baqdaad uga qeybgaleen shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Turkey, Iraq iyo Pakistan.

Kulankii ugu horeeyey ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Pakistan Sardar Ayaz Sadiq ayadoo kulankaasina looga wada hadlay abuuridda iskaashi iyo xiriir wada shaqeyn oo dhex mara labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Pakistan iyo adkeynta danaha Baarlamaannada dunida muslimka ayadoo labada Guddoomiyena ay taasi qalinka ku wada duugeen.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga Baarlamaannada mataannaha ah ee Soomaaliya iyo Tukriga la qaatay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Turkiga ee isagu la doortay dhammaadka sanadkii tagay ee 2015 İsmail Kahraman waxaana kulankaasi looga wada hadlay xoojinta shaqada guddiyada labada Baarlamaan u qaabishan saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Turkiga iyo in la dedejiyo dhismaha gurriga Umadda Soomaaliyeed kaasi oo ay horey u ballan qaaday dowladda Turkiga.

Kulankii ugu dambeeyey waxa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka uu dalkiisu marti geliyey sanadkan shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka oo ah Ciraaq Dr Salim Al-Jabouri waxaana kulankaasi looga wada hadlay sidii loo mataaneyn lahaa Baarlamaannada Soomaaliya iyo Ciraaq ayadoo taasina ay labada Guddoomiye hoosta ka wada xariiqeen.

Dhammaan kulammada uu Guddoomiyaha Baarlamaanka la qaatay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Turkey,Iraq iyo Pakistan waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) iyo safiirka dowladda Soomaaliya u fadhisa dalka Ciraaq Marwo Khadija Maxamed Almakhzoumi .

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka