U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari Iyo Guddiga Qabanqaabada Shirka Madasha Oo Ku Kulmay Baydhabo

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Safar Shaqo ku Jooga magaalada Baydhabo ayaa la kulmay guddiga qabanqaabada shirka madasha wadatashiga qaran, isagoo dhanka kale kormeer ku sameeyay goobaha ay dagi doonaan madaxda shirka ka qeyb galaysa.

Guddoomiye Jawaari ayaa Baydhabo u gaaray, ka qeybgalka iyo wax kala socoshada qabanqaabada shirka madasha wadatashiga qaran ee lagu wado in maalinta berri ah uu ka furmo halkaas.

Shirkani waxaa ka qeyb galaya madaxda Soomaalida iyadoo la sheegayo inuu yahay kii ugu dambeeyay oo ay isku arkaan madaxdu ka hor doorashda 2016-ka.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sidoo kale kormeeray meelaha ay degi doonaan madaxda iyo ergada kale ee shirka ka qeyb galaysa.

Kulamada xalay Baydhabo ka dhacay oo guddoomiye Jawaari uu ka qeyb galay ayaa waxaa ku wehliyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed sida; qaar ka mid ah  golaha wasiirrada, xildhibaanno, maamulka gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo iyadoo sidoo kale la soo sheegayo in saraakiil ciidan ay ka qeyb galeen kulamadaasi, waana sida uu soo sheegayo wariyaheenna gobolka Bay, Aadan Geesey.

Maalinta Sabtida ah ee  25/Juun.2016 ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu ka furmo shirkii madasha wadatashiga qaran, kaas oo looga hadli doono dhameystirka wadiiqadii lagu gaari lahaa doorashada 2016 ee la filayo in dabayaaqada sanadkan ay ka dhacdo guud ahaan dalka.

Goobjoog News