U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari Oo Sheegay In Si Caddaalad Ah Loo Maamuli Doono Doorashooyinka Ka Dhacay K/galbeed

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka hadlay doorashooyinka xildhibaannimada ee deegaananda Koonfur Galbeed, kuwaa oo dhowaan la filayo iney ka dhacaan magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay Jawaari in doorashooyinkaasi ay u dhici doonaan si dimuqraadiyad ah, islamarkaana aan lahayn nin jeclaysi iyo sidoo kale farogelin waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhammaan Musharraxiinta xildhibaannimada u tartamaya ayuu ugu baaqay iney tagaan Baydhabo, islamarkaana si hufan ay uga qeybgalaan doorashooyinkooda.

“Waxaan rabaa inaan u xaqiijiyo muwaadiniinta Koonfur Galbeed in doorashadan lagu maamuli doono si daah furan oo daacad ah iyadoon cidna looga cabsaneyn farogelin lagusameeyo waliba cid madax ah, loona madax bannaaneeyo beelaha kuraastaasi leh, musharraxiinta waan kusoo dhoweyneynaa in dhammaantood yimaadaan oo si dimuqraadiyad leh uga qeybgalaan doorashada” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Gobollada dalka waxaa ka soconaya diyaarinta doorashooyinka dadban ee xildhibaannada, iyadoo siyaasiyiin badan ay billaabeen raadinta ka mid noqoshada baarlamaanka Federaalka ee soo socda.

Goobjoog News