U bood dhigaalka

Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Dooraashada Madaxweynaha Oo Is Casilay

Sheeko:Dalka

Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada madaxweynaha Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa iska casilay xilkaasi, kadib qoraal uu u gudbiyey guddoonka guddigaasi.

Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen, oo ka tirsan guddiga doorashada ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in guddoomiye ku xigeenka uu guddoonka soo gaarsiiyey warqaddiisa is casilaadda.

Fartaag ayaa sababta uu isku casilay ku sheegay in uusan dooneyn in laga shakiyo shaqada guddiga, maadaama isaga shaqsi ahaan uu ka qeybgalay munaasabad lagu taageerayey madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha, taasina ay siyaasiyiin badan farta ku godeen.

Goobjoog News, waxay xiriir la sameysay Senator C/laahi Sheekh Ismaaciil si aynu faah faahin dheeraad ah isaga uga sii helno balse inooma suuragelin inaan qadka Taleefanka ku helno.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News