U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale Gargaar Caafimaad U Balan Qaaday Gabar Ku Xanuunaneyd Muqdisho

Sheeko:Caafimaadka
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Gobolka Banaadir ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay dhibane Ramla Cabdullaahi Cali oo ah muwaadinad Soomaaliyeed oo 18-jir ah islamarkaana la dhibaatooneysa xanuun ka haleeyay lugta Bidix.
Xanuunka Ramo oo la geeyay isbitaallada dalka waxaa la sheegay in aan wax looga qaban karin islamarkaana ay u baahan tahay caafimaad dalka dibaddiisa ah, si wax looga qabto xanuunka ka hayo mid kamid lugaheeda oo ay sheegtay in ay la nooshay xanuun daran ay ka dareemayso lugteeda.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa markii uu arkay xanuunka daran ee ay la nooshahay dhibane Ramla la murugooday isagoo kaala qaaday xaaladeeda Caafimaad islamarkaana sheegay in loo qaadi doono dalka dibadiisa.
Hooyo Faaduma Cumar Muudeey oo ah hooyada dhashay dhibane Ramla Cabdullaahi Cali ayaa uga mahadcelisay Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) siduu u garab istaagay xaalada Caafimaad ee gabadheyda Ramla.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hore sidaan oo kale caafimaad dalka dibadiisa ah u qaaday dhibane Deeqa Maxamed Makaraan oo ah Hooyo Soomaaliyeed oo in muda ah la xanuunsan xanuun ka haleelay Lugta bidix, iyadoo kulan dalka dibaddiisa loo qaaday 12-kii March 2023.
Goobjoog News