U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Dhagaxdhigay Dhismaha Buundada Waddada 21 October

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay mashruuc Buundo loogu dhisayo waddada 21 October ee ee degmada Waabari ee gobolka Banaadir, taas oo qeyb ka ah bilicda iyo isku socodka degmada.
Guddoomiyaha waxaana dhagax dhigaasi sidoo kale goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Gobolka Banaadir iyo Cabdirashiid Caynaanshe oo kamid ah Guddiga Fulinta ee Shirka Hormuud telecom.
Dhagax dhiga mashruucan oo ay fulineyso Shirka Hormuud telecom ayaa ah mid ay baahi weyn u qabeen bulshada isticmaasha waddadaasi gaar ahaan Ardayda dhigata School-ka 21-October kuwaas oo qatar kala kulmi jiray Gaadiidka isticmaala Wadddadani.
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu ahmiyad gaar ah siinayo fulinta adeegyada aas aasiga ah ee bulshada magaalada  Caasimadda ah ee Muqdisho.
Goobjoog News