U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Digniin u Diray Guddoomiyeyaasha 17-ka Degmo

Sheeko:Amniga
Guddoomiya gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir gudoomiyay shirka degmooyinka gobolka Banaadir, oo looga hadlay horumarinta daqliga, amniga, nadaafada iyo taakuleenta Barakacayaasha.
Kulankan oo ujeedkiisu ahaa islaxisaabtan, ayaa Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheikh Yuusuf Madaale ayaa mid mid warbixin ku saabsan soo xareenta daqliga, iyo caqabadaha jira ka dhageestay guddoomiyaasha degmooyinka, iyo agaasimayaasha Daqliga gobolka Banaadir.
Guddoomiya gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) waxa uu sheegay in lala xisaabtami doono mas’uulkii lagu helo musuq-maasuq iyo wax isdabarin, waxaana uu ugu baaqay in mas’uuliyiinta gobolka ay ka fogaadaan arrintaas.
Goobjoog News