U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Amniga Caasimadda

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ee Shirka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, iyadoona uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).
Kulankan oo intiisa ugu badan ahaa mid islaxisaabtan shaqo ayaa diirada lagu saaray in Guddoomiye kaste lagula xisaabtami doono mas’uuliyada uu bulshada u haayo gaar ahaan Sugida Amniga, Diiwaangalinta Guryaha iyo dadweynaha kunool, Bilicda, Daqliga, la dagaalanka Kooxaha burcadka iyo Ciyaal weerada, Ciribtirka waxyaabaha Maandooriyaha iyo fulinta Barnaamijka Garanwaa.
Guddoomiyaha gobolka  ayaa muddooyinkii dambe degmooyinka gobolka iyo deegaannada la dariska ah ka waday kulamo looga arrinsano amniga iyo sidii wadajir looga hortagi lahaa waxyaabaha amniga lidka ku ah, waxaana uu kusoo aadayaa xilli magaalada caasimadda ah muddooyinkii dambe laamaha amnigu sidoo kale ay ka wadeen la dagaalanka waxyaabaha maanka dooriya iyo ciyaal weerada.
Goobjoog News