U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Isbitaalka ku Booqday Dhaawacyadii Shaqaaqadii Siinaay

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa maanta Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ku booqday dhaawacyadii iyo Ehelada marxuumiintii ku geeriiyootay dhacdadii ka dhacday  27-kii /Februari/2023 isgooska Siinaay, waxaana dhaawacyadii uu booqday kamid ahaa Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Mudane Sulaymaan Fargax, kaas oo dhaawac kasoo gaartay rasaasii ciidanku isweydaarsadeen.

Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Madaale ayaa booqashadiisa isbitaalka Urdogan waxaa ku wehlinaye Guddigii uu u xilsaaray soo qiimeynta kiiskii ka dhacay Isgooska Siinaay ayaa ugu horeyn Ehelada marxuumiinta ugu tacsayeeyay musiibadii dhacday, isaga oo ku qanciyay in si deg deg ah loo aaso Maydadka qaar kamid ah dadkii ku geeriyooday shaqaaqadii ka dhacday Isgooska Siinaay oo maalmihii lasoo dhaafay ku jiray talaajo si cadaalad loogu helo marxuumiintaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimaale Madaale ayaa sheegay in gacanta lagu haayo 14-kamid ah askartii ku qorneed Isgooska Siinaay islamarkaana si deg deg sharciga loo horkeeni, doono, dhacadadaas ayaa noqotay mid siweyn u taabatay shacabka caasimadda Muqdisho.

Goobjoog News