U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Ka Qeyb Galay Shir Looga Hadlayay Amniga Caasimadda

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa xarunta degmada Cabdicasiis uga qeyb galay kulan looga hadlayay dardargalinta barnaamijka Garanwaa oo uu horey u iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee howlgallada caasimadda ee Guri Guri.
Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Xildhibaano katirsan Baarlamaanka  Federalka Soomaaliya , saraakiisha Amniga Madax kala duwan iyo qeybaha bulshada rayidka iyo qeybaha bulshada degmada Cabdicasiis.
Kulankan ayaa sidoo kale diirada lagu saaray arrima kamid yihiin, Ciribtirka Muqaadaraadka, la dagaalanka Kooxaha burcadka ah ee dhaca u geesta hantida shacabka iyo dhallinyarada la baxday Ciyaal Weerada oo halis ku ah xasiloonida Caasimadda, kuwa ka gacansada Maandooriyaha iyo howlgallada lagu xaqiijinayo amniga guud.
Kulanka ka dacay degmada ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowaan dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen hooy lagu baxnaaninayay ciidamo ka tirsan kuwa dib u xoreynta, kuwaas oo kusoo dhaawacmay dagaalka gobolka Hiiraan, waxaa sidoo kale caasimadda ka dhacay falal amniga lid ku ah oo isdabajoog ahaa.
Goobjoog News