U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Kormeer Ku Tagay Degmooyinka Bariga Caasimadda

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa kormeeray degmooyinka qaar ee caasimadda, kuwaas oo dhaca bariga magaalada Muqdisho, si ay ugu kuur galaan amniga degmoyinkaas.
Guddoomiyaha oo ay  wehliyeen   Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaasha qeybta Guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad Sugida ayaa caawa kormeeray Degmooyinka xiga qeybta Bari gaar ahaan saldhigyada Yaaqshiid iyo Kaaraan.
Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa u kuurgalida fulinta amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya   Mudane Xasan Sheikh Maxamud kaas oo la xariiray inaan hubka culus lagu wadan karin gudaha Caasimadda, islamarkaana ciidii fulin weyso sharciga la horgeyn doono.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Janaraal Sulub Ahmed Firin ayaa faray saraakiisha Amniga iyo maamulada Degmooyinka in si wadajir ah u wada shaqeeyan islamarkaana la xoojiyo howlagalada sida joogtada ah uga socda xaafadaha iyo wadooyinka Caasimadda.
Goobjoog News