U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan ah Ciyaal Weerada iyo Maandooriyaha

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, maamulka Degmada Kaaraan iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa wuxuu kulan la qaatay Odayaasha, culumada iyo macalimiinta Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.
Ujeedka kulan yaa ahaa sidii wax looga qaban lahaa cabasho muddooyinkii dambe kasoo yeereysay bulshada ku dhaqan Waaxda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan oo la xiriirta amni darrida iyo sidoo kale Ciyaal weerado dhibka ku haya degmada,guddoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay si amniga loo sugo in wadashaqeyn la yeesho, taas oo keeni karta in laga guuleysto amni xumida iyo sidoo kale Ciyaal Weerada sida uu hadalka u dhigay.
‘Degmada Kaaraan waa degmada ugu dilka badan, waa degmada ugu dhaca badan, waa degmada ugu baaba’san, waa degmada ugu mugdiga badan waaye, waxaana yeelaayo dadkeeda ayaan diyaar aheyn, dadkeeda haddii ay diyaar yihin diyaar ayaan nahay inaan la shaqeyno, Hurdada ka kaca, waxaan leenahay hurdada ka kaca oo soo jeesta ayaan leenahay, kii la qalabto waxaa daba ordaayo Oday, Oday daba ordi karo malahana” ayuu yiri GGB.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhanka kale soo hadal qaaday in degamada Dharkeenleey iyo qeybo ka mid ah degmada Wadajir lagu guuleystay in laga sifeeyo dhibaatooyinka Ciyaal Weerada, waxaana dhanka kale ka dhawaajiyay in ay la dagaalamayaan waxyaabaha Maanka dooriya oo dhibaato ku haya caasimadda Muqdisho.
“Taliyaha Saldhigga cusub iyo guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa waxaa laga rabaa in ay qorshe la yimaadaan kama tabar darno nimankii ka guuleystay Dharkeenley iyo Wadajir, waa iney la yimadaan go’aan iyo talo, cabaad waxba tari maayo, Waxaan rabnaa Daroogada magaalada qurunsatay iyo meelaha kalaabyada ah, cidda ku dhex jirtaan ka bax, waan soo jeednaa shaqo kale ma qabanayno” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay guddoomiyaha.
Hadalka kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa uukusoo aadayaa xilli degmada Kaaraan ay muddooyinkii dambe ciidanku ay ka wadeen howgallo isdabajoog ah, kuwaas oo lagula dagaalamayo Ciyaalka Weerada iyo Maandooriyaha oo dhibaato ku haayo caasimadda iyadoo qeybo kamid ah lagu farsameeyo, waxaana uu carabka ku dhuftay in isku si ay ula dagaalamayaan labadooda si loo xasiliyo ammaanka caasimadda dalka.
Goobjoog News