U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Kulan Ambabixin ah u Sameeyay Hooyo Soomiyeed oo Xanuunsaneyd

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan ambabixin ah xafiiskiisa kula qaatay dhibane Deeqa Maxamed Makaraan oo ah Hooyo Soomaaliyeed oo in muda ah la xanuunsan xanuun ka haleelay Lugta bidix, islamarkaana uu horey xaaladeyda Caafimaad u damaanad qaaday Guddoomiye Madaale.
Dhibane Deeqa oo dhawaan safar u ah dalka Turkiga si xaaladeyda caafimaad halkaas loogu dabiibo ayaa ugu mahadcelisay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) balan qaadka iyo garab istaaga uu u muujiyay, Hooyadaan Soomaaliyeed oo xanuunkeeda dalka gudihiisa wax looga qaban waayay.
Hooyadaan Soomaaliyeed ayaa dhowaan waxaa la filayaa in caafimaad ay ku gaarto dalka Turkiga, iyadoo wixii adeeg ay u baahneyd oo dhanka caafimaadka ah uu damaanadqaaday guddoomiye madaale, xilli horey loo baahiyay xanuunka hooyadaan ee Lugta ah, waxaana ay u baahatay qaaliin dibadda ah , maadaaada isbitaallada dalka ay sheegeen in aan lagu qali karin.
Goobjoog  News