U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Munaasabad Muqdisho Ugu Sameeyay Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran

Sheeko:War
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar munaasabad soo dhaweyn ah ugu sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah DFS ee usoo idlaaday meertada 6-aad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoona Munaasabada uu kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Bare.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Xog’hayaha Guud ee Maamulka Gobolka, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal iyo xubno kale ayaa ku sugnaa munaasabada.
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Mudane Xamsa Cabdi Bare ayaa bogaadiyay talaabooyinka horumarka leh oo uu Maamulka Gobolka Banaadir gaarsiiyay Caasimadda iyo in bulshada loo dhaweeyo adeegyada dowliga ah, waxaana sidoo kale bulshada caasimadda uu kaga mahadceliyay sida ay ugu dhabar ageygeen marxaladihii kale duwanaa ee ay soo martay magaalada Muqdisho tan iyo burbirkii dowladnimadii Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay hirgalinta xaquuq siyaasadeedka Gobolka iyo Maqaamka Caasimadda, waxaana Golaha Wadatashiga Qaran uu kaga mahaceliyay sida ay u garowsadeen muhiimadda in la helo maqaam dhab ah oo caasimaddu ay yeelato, shacabkuna ay soo doortaan dadka matalaya.
Goobjoog News