U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Muqdisho Kusoo Dhoweeyay Guddoomiyaha Magaaladda Bolnas ee Sweden

Sheeko:Amniga
Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Duqa Magaaladda Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullahi Aden.
Soo dhaweyntaan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Xildhibaanada Labada Aqal ee DFS, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal, Siyaasiyiin iyo qeybo ka mid ah Bulshada Gobolka Banaadir.
Duqa Magaalada Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullaahi Aadan ayaa loo soo galbiyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona halkaasi kulan kula qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyagoona ka wada hadlay Iskaashiga wada-shaqeyn iyo wax is-dhaafsiga labada Magaalo ee Bolnas iyo Muqdisho.
Goobjoog News