U bood dhigaalka

Guddoomiye Mursal Oo Lagu Soo Dhoweeyey Baydhabo

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Guddoomiyaha iyo xubnaha la socda ayaa si diiran waxaa loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, iyadoo ay halkaasi ku sugnaayeen madaxda K/galbeed iyo shacab aad u badan.

Uljeedka safarkaan ayaa lagu sheegay iney tahay wadatashiyo uu guddoomiyaha golaha shacabka la sameyn doono madaxda iyo baarlamaanka maamulka K/galbeed.

Sidoo kale, inta uu guddoomiye Mursal ku sugan yahay Baydhabo wuxuu la kulmi doonaaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo dhanka kalena la dareemayo diyaargarowga loogu jiro soo dhoweynta wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha.

Goobjoog News