U bood dhigaalka

“Guddoomiye Mursal Wuu Ku Saxan Yahay Go’aankiisa” Sidaasi Waxaa Yiri…

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah sharciyaqaanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa ayaa soo dhoweeyay go’aanka guddomiyaha golaha shacabka ee ahaa in ay sii shaqeeyaan guddiga miisaaniyadda golahaas.

Sharci yaqaan  Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame oo ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan Xafiiska xeer ilaalinta gobalka Ohio ayaa sheegay in go’aankaas uu yahay mid mudan inuu qaato gudoomiyaha golaha shacabka islamarkaana wax waliba lagu kala saaro sharciga.

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa ka soo horjeestay go’ankii guddoomiye ku xigeenka golahaas uu ku kala diray guddiga miisaaniyada golaha shacabka,isagoo xusay in cidna aysan ka hor istaagi karin shaqadooda, islamarkaana aysan jirin cid sharciga ka weyn.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News