U bood dhigaalka

Guddoomiye Senator Abshir:  Farmaajo Laguma Aamini karo Nidaamka Doorasho ee Dalka

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha 1-aad ee aqalka sare Senator Abshir Maxamed Axmed oo shalay ka qeyb galay shirka ay Muqdisho ku leeyihiin murashaxiinta madaxtinnimada Soomaaliya ayaa sheegay in Farmaajo iyo kooxdiisa aan lagu aamini Karin doorashada.

Senator Abshir oo arrinkaas ka hadlay ayaa yiri “Ujeedka halkan la isugu yimid ee ah in laga wada tashado doorashada dalka in ay lagama maarmaan tahay,  oo haddii aan laga wada tashan ay saameyn karto natiijada doorashada, wadatashiga maxaa sababay? Dowladda hadda jirta ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo laguma aamini karo nidaamka doorasho ee dalku u baahan yahay, hadalkeyga waxaa uu yahay, madaxweynaha iyo hey’adihiisa la shaqeeyo oo ay xukuumaddu ugu horeyso laguma aamini karo doorashada dalka, sidaa daraateed waa in laga tashto qabyadii iyo xadgudubyadii doorashada dalka”

Guddoomiye Senator Abshir oo sii hadlaya ayaa yiri“ Madasha waxaan kula talinayaa in shaqooyinka 4-ta cisho aad soo wadeen in halkaas ka sii socdaan ilaa dalka uu ka gaaro ujeedkii loo wada socday, ee lagu dhameysiraya hey’adaha dastuuriga.

Ugu dambeyntii, waxaa uu Guddoomiyaha 1-aad ee aqalka sare Senator Abshir Maxamed Axmed kula taliyey in ay ka dhabeeyaan shaqada socota “ Dadka Soomaaliyeed idiin yimid, 4-tii maalmood, ee aad la kulmeyseen waxaa ay ahaayeen sahan ka socday bulshada qeybaheeda, waxa filayaa in dadkii aadan hoosaasin, oo aadan hodin, qof walba oo halkan yimid dowladda si guracan ayaad ula xisaabtami doontaa”.

Goobjoog News