U bood dhigaalka

Guddoomiye Shuute oo Digniin u Diray Laamaha Dambi Baarista

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha maxkamadda ciidmada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa uga digay laamaha dambi baarista  ciidamada qeybahooda kala duwan in ay qob  isaga haayaan xabsiga isaga oo aysan amrin xarigiisa xeer ilaalinta qaranka ama aan la soo taagin maxkamad.

Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in qofka lagu haayo xabsiga 45 cisho ka badan, xariggaas uu yahay mid aan dowli aheyn, isaga oo carabka ku dhuftay in falkaas lagu tilmaami karo afduub sida hadalka uu u dhigay guddoomiyaha.

“Mar haddii hoggaanka barista lagu soo xiro qof, qofkaas haddii xeer ilaalinta loo geeyo, maxkamadihiina loo sii geeyo, oo ay ogolaadaan xariggiisa, iyaga oo fiirinaayo, eeda lagu eedeynaayo maangalnimadeeda la fiirinaayo, qofkaas xariggiisu waa sharci, magaca uu qaadanaayana waa qof eedeysane ah ilaa maxkamad ay ka xukunto ama ay ka bari yeesho”ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Guddoomiye Shuute oo sii hadlaayo ayaa yiri” Haddii qofka la soo xiray aan la geynin, xeer ilaalin iyo maxkamad midna, oo aan sharcigii la geynin qofkaas waxaa uu ku xiran yahay  sharci darro, waana xaaraan xariggiisa, sifada iyo magaca uu qaadanaayo qofkaas waa qof afduuban, cidda afduubtay meel kale haka raadine waa mas’uulka meesha uu ku xiran yahay” ayuu riyi  Gaashaanle sare Xasan Cali Shuute.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in qof kasta oo dowaldda ka tirsan oo ehelkiisa looga shakiyey in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab  in  laga furo gal dacwadeed lagu soo oogayo  si la isku waa fajiyo amniga iyo howlgallada socda sida uu hadalka u dhiogay ” Waxyaabaha aan rabno in dambi baaristu ay qabato waxaa kamid ah, saraakii, mas’uul ama shaqaale dowladeed oo ehelkiisu ay Al-shabaab ku jiraan waa in gal dacwadeed loo furaa oo su’aalo la weydiiyaa, haddii ay cadaato inuu ogaa oo xogtiisa uusan gudbinna, dacwad ciqaab ah lagu soo oogaa si talaabo sharcio ah looga qaado” ayuu yiri guddoomiye Shuute.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in loo baahan yahay in markale dib loo furo gal dacwadeedkii qaraxii sanadkii hore ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar, kaas oo ay ku geeriyoodeen madax ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir.

“Sidaan u aamusneen oo shib u dhaheynay, oo nin weliba oo mas’uul ah loo dilaayey, oo qofba qofka ka muhiimsan loo dilaayey, muwaadinkii Cabdraxmaan Yariisow xafiiskiisa inta loo galay ayaa lagu qarxiyey, isaga iyo mas’uuliyiintii kale ee caasimadda ka shaqeynaayey, aaway galkiisii yaa ku qoran, waa in galkiisii furnaadaa intii laga helaayo dambiilihii rasmiga ahaa, waa in weliba uu kordhaa xogaha ka soo kordhaayo” ayuu guddoomiye Shuute.

Goobjoog News