U bood dhigaalka

Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdulle “Waa Nasiib Darro In Warbaahinta Ay Ka Maqnaadaan Dhacdooyinka Minifootboolka”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka mudane Xaaji Aadan Cabdulle Mahdi ayaa fariin adag u diray warbaahinta Ciyaaraha gudaha, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in aysan bulshada la wadaagin horomarka iyo xirfada sare ee ciyaartooyda Minifootboolka kooxaha iyo Xulka Qaranka Soomaliya ee kubadcag yaraha.


“Waa nasii darro weyn in warbaahinta isboortiga aysan tabin dhacdooyinka iyo horomarka Xiriirka Kubadcag yaraha, balse waxaan rajaynayaa in is badal ay sameeyaan madaxda warbaahinta ciyaaraha dalka, sidoo kalane ay ka qeyb qaataa waxqabadka Xiriirka Kubadcag yaraha Sooamaliya” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed Minifootboolka Mudane Xaaji Aadan Cabdulle Mahdi.


Sidoo kale Guddoomiye Xaaji Aadan wuxuu u mahadceliyay Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada kaalinta ay qaadato dhiiginta shaqooyinka Xiriirka Kubadcag yaraha , wuxuuna Guddoomiye Xaaji sheegay heerka ay maanta joogaan ay ku soo gaareen wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxayso Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dowladda Fedraalka Soomaaliya.


“Waan u mahadcelinaynaa Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada doorka wanaagsan ay ka qaadato dar-darginta shaqooyinka Xiriirka Kubadcag yaraha , hadii aanu nahay maamulka SOMFA Wasiirka iyo dhamaan Wasaaradda ciyaaraha waxaan kaga mahadcelinaynaa doorkooda wanaagsan ee dhiirigelinta Minifootboolka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle Mahadi.


Ugu danbeyntii Guddoomiye Xaaji Aadan wuxuu u mahadceliyay warbaahinta Goobjoog doorka wanaagsan ay ka qaadato dhiirigelinta iyo horomarka Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka, wuxuuna dhinaca kale Guddoomiye Xaaji Adan warbaahinta kale kula dardaarmay in ay ku daysadaan Goobjoog Merida Group fursada wanaagsan ay siiyeen Xiriirka kubadcag yaraha Soomaaliya.


“Maamulka iyo Weriyaasha Goobjoog waxaan ku amaanaynaa fursad baaxada weyn ay siiyeen horomarka iyo waxqabadka Xiriirka Kubadcag Cagyaraha , waxaan warbaahinta kale ka sugaynaa in ay qaataa doorkooda” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Guddoomiayaha Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Xaaji Adan Cabdulle.

Daawo Guddoomiye Xaaji Oo Fariin Adag U Diray Warbaahinta

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddoomiye-xaaji-aadan-waxaan-diyaar-u-nahay-in-aan-la-shaqayno-wasaaradda-ciyaaraha-iyo-dhalinyarada-soomaaliya/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle