U bood dhigaalka

Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdulle “Waxqabadka SOMFA Wuxuu Ku Socdaa Si Wanaagsan Oo Guul Iyo Horomar Ah”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha Xiriika kubadcagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Cabdulle Cabdulle ayaa sheegay in ay si wanaagsan ugu diyaar garooweyn qabashada is reerbka reebka 24 koox ee heerka kowaad iyo labaad ee kubad Cagyaraha Soomaaliya oo magaalada Muqdisho laga qabanayo markii ugu horeesay tan iyo markii SOMFA la aas aasay sanadii 2015.


“Waxaan shano ka soo shaqaynay ayaa maanta inoo hergalay, waana guul weyn oo u soo hooyatay SOMFA, waxaan guul iyo horomar u rajaynaa 24 koox ee saldhiga u ah waxqbadka Xiriirka Kubadcagyaraha” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Mudane Xaaji Aadan Cabdulle oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Kubadcagyaraha Soomaaliya.


Dhinaca kale Guddoomiye Xaaji  Aadan wuxuu sheegay in sababaha loo qabanayo tartankan in ay tahay in laga helo macallimiin, ciyaartooy iyo garsoorayaal matasha shacabka Soomaaliyeed kana qeybgasha dhacdooyinka Caalamka ee Minifootboolka.


“U Jeeda aan u aas aasnay kooxahan waan in aan ka helnaa ciyaartooy, macallamiin iyo garsoorayaal kasoo muuqda fagaarayaasha Caalamka, kuwaas oo kor u qaada sharafta iyo magaca Umadda Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa soo raaciyay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcagyaraha mudane Xaaji Aadan Cabdulle.

 

Daawo Shirka SOMFA Oo Ka Dhacay Muqdihsho

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddoomiye-xaaji-aadan-cabdulle-xiriirka-minifootboolka-soomaaliya-waa-lawada-lee-yahay/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle