U bood dhigaalka

Guddoomiye Xaaji Aadan “ Waxaan Diyaar U Nahay In Aan La Shaqayno Wasaaradda Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Soomaaliya”

Sheeko:Cayaaraha

Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya iyo Xiriirka Kubadcag yaraha oo iska kaashanaya ayaa magaalada Muqdisho ka furay tartan u dhaxeeya afar koox oo ka mid ah naadiyada u diiwaangashan Xiriirka Soomaaliyeed Minifootboolka waxaana tartankan maal gelinaya Ha’y adda UNFP ee Qaramada Midoobay.


Munaasabada furitaanka tartankan loogu magacdaray “Fariin” waxaa ka soo qeybgalay madax ka socotay Xiriirka Minifootboolka iyo madax ka socotay Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dowadda Fedraalka Soomaaliya, ciyaartooydii hore dalka iyo mas’uuliyeen kale oo lagu casuumay furitaanka.


“Tartankan wuxuu ka mid yahay guulaha socda ee ay wadaan madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha” ayuu munaasabada furitaanka ka sheegay Saacid Maxamed  Xuseen oo ah Guddoomiyaha tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka, sidoo kalane ah Guddoomiyaha Isboortiga Degmada Warta Nabadda ee Goblka Banadir.

“Waxaan diyaar u nahay in aan la shaqayno madaxda Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya, wuxuuna tartankan ka mid yahay kuwa faa’ido u leh dhalinyarada Soomaaliyeed” ayuu saxaafadda u sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka mudane Xaaji Aadan Cabdulle.

“Ma ahan markii kowaad ay Wasaaradda iyo Xiriirka Kubadcag yaraha ay isla qabtaan tartan, balse waxaan is lee nahay waa guul u soo hooyatay labada dhinac” ayuu sheegay Agaasimaha Waaxda Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Soomaaliya mudane Saacid Maxamed Xuseen “Saacid Baariyow”.

“Wasaaradda Isboortiga waxaa go’an horomarinta Minifootboolka , waxaana madaxda Wasaaradda ay u hambalyaynaysaa sanad guurad kowaad ee madaxda Xiriirka kubad Cagyaraha ee la doortay September 2020
ayuu furitaanka ka sheegay Ibraahim Xuseen Ronbe oo ah la taliyaha Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya Mudane Xamse Saciid Xamse.

Daawo Warbixin Tartanka Minifootboolka ee Furmay

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/saacid-maxamed-xuseen-wasaaradda-ciyaaraha-iyo-dhalinyarada-soomaaliya-waxay-dhiirigelinaysaa-shaqooyinka-horomarineyd-ee-xiriirka-minifootboolka/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle