U bood dhigaalka

Guddoomiye Xaaji Aadan “Waxaan Soo Dhawaynaynaa Xiriirka TEQBALL”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadcag Yaraha Soomaaliya Xaaji Aadan Cabdulle ayaa soo dhaweeeyay Xiriirka TEQBALL oo dalka ku soo biiray, isagoo sheegay in ay muhiim tahay in ay soo bataan xiriirada, si dhalinyarada ay u helaan fursado ay ku soo bandhigaan xirfadahooda isboortiga, ka dibna ay u matalaan Xulalka kala duwan ee Qaranka Soomaaliya.

“Waxaan soo dhawaynaynaa Xiriirka TEQBALL oo dalka ku soo biiray, runtii xiriirkan wuxuu fursad u yahay dadka baahiyaha gaarka qaba in ay ka soo muuqdaan dhacdooyinka ciyaaraha dalka iyo dibadda , waxaana guul iyo horomar u rajaynaynayaa madaxda Xiriirka TEQBALL oo dalka ku soo biiray” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay  Xaaji Aadan Cabdulle Mahdi oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya Xaaji Aadan Cabdulle wuxuu balan qaaday in Xiriirka kubadcag yaraha uu si dhaw ula shaqeyndoono madaxda Xiriirka TEQBALL oo dalka ku soo biiray, wuxuuna dhinaca kale Xiriirada Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay soo dhaweeyaan ayna caawiyaan Xiriirka Soomaaliyeed ee Teqbaalka.

“Waa muhiim in ay soo bataan Xiriirada, sababtoo ah waxaa fursad heliya in badan oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed oo iminka aan ka soo muuqan dhacdooyinka isboortiga dalka iyo dibadda” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle Mahdi.

Daawo Dardaarankii Guddoomiye Xaaji Ee TEQBAAL

Sidoo Kale Aqriso Warar Dheeri Ah

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/xiriirka-teqball-oo-soomaaliya-ku-soo-biiray/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle