U bood dhigaalka

Guddoomiye Xaashi iyo Siyaasiyiinta Somaliland oo Ka Biyo-diiday Dalabka Ra’isul Wasaare Rooble

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha siyaasiyiinta Somaliland ahna guddoomiyaha golaha aqalka sare iyo madasha Badbaado qaran Cabdi Xaashi ayaa la sheegayaa in isaga oo siyaasiyiinta Somaliland iska diideen dalabka ra’isul wasaarae Rooble ee ku aadan qoondada laga siiyey guddiyada hirgelinta doorashada.

Ilo ko dhow guddoomiye Cabdi Xaashi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in kulanka Xaashi iyo Rooble kadib uu guddoomiyaha dalab ra’isul wasaaraha ka yimid uu hordhigay guddiga siyaasiyiinta Somaliland, isla markaana ay iska diideen.

Ra’isul wasaare Maxamed Rooble ayaa ka dalbaday in Xaashi uu u ogaalado in la siiyo ilaa 5 xubin oo guddiga ah halka 10-ka kale la siin doono kooxda ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed.

Guddoomiye Xaashi qoondada la siiyey 35% waxaa uu u arkaa in aaney ka tarjumeyn kursiga uu ku fadhiyo iyo siyaasiyiinta Somaliland iyada oo ninka dowladda ay taageerto ee Mahdi Guuleed uu la tagayo 65% guddiga.

Waxaa xusid mudan in shirkii farsamada ee Baydhabo uu garabka Guddoomiye Xaashi siiyey 4 xubin, in hal xubin looga darana aaney waxba ka badaleyn cabashada jirta.

Isha la hadashay Goobjoog News ayaa intaas ku dartay in haddii madaxda Afisyooni ay ku dhawaaqaan go’aan hal dhinac ah uu guddoomiye Xaashi qaban doono shir jaraa’id, uuna ku laalayo waxa ay sheegaan.

Mowqifkan cusub, waxaa uu meesha ka saarayaa inuu jiro isfaham dhexmaray labadaba dhibac sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska ra’isul wasaare Rooble.

Arrinta guddiyada Somaliland ayaa u muuqata kiiska ugu adag shirka doorashada kadib markii xal laga gaaray arrimaha Gedo iyo guddiyadii doorashada ee Farmaajo.

Goobjoog News