U bood dhigaalka

Guddoomiye Xaashi oo Kahor Yimid Magacaabista XF ee Guddiga Doorashada ee Waqooyi, Soona Jeediyey Hannaan

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah Cabdi Xaashi ahna Senator ka yimid gobollada waqooyi(Somaliland) ayaa qoraal uu soo saaray maanta, kuna wajahan madaxda fulinta ee dowladda federaalka ah waxaa uu ka soo horjeestay go’aanka heshiiska golaha wadatashiga ee sheegaya in xukuumadda ay magacawdo xubnaha guddiga doorashada ee gobollada waqooyi.

“Asteynta kuraasta xildhibaannada kasoo jeeda  gobollada waqooyi ee Somaliland waxaa loo raacayaa sida ku cad hannaankii iyo habraacyadii lagu galay doorashadii dadbaneyd 2016” sidaa waxaa yiri guddoomiye Xaashi.

Guddoomiyaha waxaa uu intaas ku daray “Xukuumadda xaq uma laha in ay guddi u magacawdo Somaliland sida aaney u magacaabeyn xubnaha guddiyada ka imaanaya dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah.