Guddoomiye Xaliimo Yarey: Doorashada Qof iyo Codka Ah Waa Waajib Dastuuri Ah

Guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim(Yarey) oo ka hadashay golaha ammaanka ayaa dowladda federaalka ah ugu baaqday iney u aragto doorasho qof iyo cod ah iney tahay waajib dastuuri ah, ajende qaran isla markaana ay guddiga siiso taageero dhan walbo ah sidii uu u fulin lahaa sida in ansixinta xeerka doorashada December 2019  iyo in doorashada qoondadeeda la fududeeyo.

Guddiga doorashada waxaa uu beesha caalamka ka dalbaday in la fududeeyo maalgelinta howlaha doorashada oo lagu qiyaasay 53 Million (oo la saaray qiimaha ku baxaya amniga iyo qoondada sanadlaha ah ee guddiga) .

Guddoomiye Xaliimo Yarey waxaa ay sheegtay in ay jireen kulamo ay ka mid ahaayeen kuwii Garowe ee  2011 iyo Baidoa 2016, oo lagu heshiiyey qof iyo cod iyo in laga guuro nidaamka qabaliga ah, taasina ay sidoo kale qeyb ka tahay soo-celinta xaqa muwaadinka ee doorashada sida uu qabo dastuurka Soomaaliya iyo heshiisyada xuquuqul aadanaha ee dalku saxiixay.

Qodobka 22aad. Xaqa Ka-qaybgalka Siyaasadda

(1)        Muwaaddin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato arrimaha guud ee dadweynaha. Xaqa kan waxaa ka mid ah:

(a)      Inuu samaysan karo ama ka mid noqon karo xisbi siyaasadeed, kana qayb-qaadan karo hawlihiisa;

(b)      In xisbi siyaasadeed gudihiisa looga dooran karo jago kasta.

(2)        Muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha sharciga tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto, lana doorto.

(3)        Xuquuqda ku xusan faqradaha (1) iyo (2) ee qodobkan waa in loogu dhaqmaa si waafaqsan Dastuurkan iyo sharci Baarlamaanku ansixiyo.

Goobjoog News

Related Articles

41 Comments

  1. Mikhailik was born healthy, grew up zingy and cheerful, developed very quickly, went to kindergarten. Loved and notwithstanding loves to be occupied in enjoyment vigorous games, female viagra dreams of a remote-controlled propeller, which can fly at house in the field.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW